image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo khudbad ka jeedinaya shir looga hadlayo dib u dhiska Gaza

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta la filaya inuu khudbad ka jeediyo shirka u dhaxeeya wadamada Carabta kaasi oo ka dhacaya magaalada Qaahira ee caasimada Masar.

Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaraya  xaalada dib u dhiska Falastiin iyo dhibtooyinka ay wajahaan dadka reer Gaza.

Farhan Maxamed Jimcaale Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya, oo  faah-faahin ka bixiyey safarka Ra’iisul  Wasaaraha ee Qaahira, ayaa sheegay in waxba iska badalin mowqifka dowladda Soomaaliya ee dhinac istaaga dadka reer Falastiin.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka diidan in la barakiciyo  shacabka reer Gaza, ayna kasoo horjeedaan qorshaha Mareykanka iyo Israa’iil ee xiisada abuuray.

Sidoo kale inta uu Ra’iisul Wasaare Xamsa ku sugan yahay magaalada Qaahir, waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda carabta ee shirkan ka qeyb galeysa si uu ugala hadlo arrimaha Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.