image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo guddi u xil saaray ka jawaabida khasaaraha uu sababay Roobka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay guddiga ka kooban wasiiro, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda Sodma, si ay uga soo warbixiyaan khasaaraha uu geystay roobkii ka da’ay Muqdisho.

Guddigan oo  uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad Jibriil Cabdirashiid, ayaa kormeer ku tagay qaar kamid ah waddooyinka iyo goobaha uu saameeyay roobka.

Mudane Jibriil Cabdirashiid, ayaa sheegay in roobka uu sababay khasaaro naf iyo maal leh, uuna saameeyn ku yeeshay ganacsiga isku socodka dadka.

Waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadda ay kaalinteeda ka qaadan doonto maareynta khasaaraha iyo gurmadka deg deg ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka ku waxyeeloobay  daadadka uu sameeyey roobka.

Sikastaba, Roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimashada 7 ruux, iyo burburka  9 Guri, iyo 6 waddooyin oo muhiim u ah gaadiid magaalada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.