image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

RW Xamsa oo farriin kulul u diray ganacsatada xiriirka la sameeya kooxda Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlayay shirweynaha iskaashiga dowladda, ganacsatada iyo bulshada ee ka hortaga qorshaha la dagaallanka maalgelinta kooxaha ka dagaala gudaha dalka ayaa ka hadlay qodobo culus.

Xamsa ayaa sheegay in lacagta la siiyo Kooxda Al-shabaab iyo Daacish ay khatar ku tahay, diinta, amniga, bulshada iyo dowladnimada, isla markaana lagu dhiirigelinayo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in si kasta oo loogu lug-yeelan karo maalgelinta kooxaha Shabaab iyo Daacish, ay tahay danbi weyn oo lagu muddan karo in caddaaladda lala tiigsado ciddii lagu helo tallabadaasi.

“ Waxaa la soo gaaray xilligii damiirkeennu shaqeyn lahaa, xilligii aan dullinimada ka bixi lahayn, Khawaarijta waa in aan iska celinaa, shacabkana waxaa laga rabaa in bannaanka loo soo baxo oo si dhab ah uga xorowno cadowga“ ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa

Waxa uu uga dambeyntii Ra’iisul wasaare Xamsa, ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in dowladda lagu taageero la dagaallanka iyo kuwa maalgeliya, isaga oo uga digay ganacsatada in argagaxisada ay ku taageeraan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.