image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Roob sameeyay isku socodka oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho, waxaa sacaadihii lasoo dhaafay ka da’ay roob xooggan oo sameeyn ku yeeshay isku socodka wadooyinka muhiimka ah ee  magaalada, meelaha uu roobka sameeyay waxaa kamid ah garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qaar kamid ah wadooyinka ayaa waxaa gooyay roobkii xalay ka da’ay magaalada, waxaana wadooyinka qaar ay noqdeen kuwa aysan gawaarida mari Karin, iyada oo qeybaha kala duwan ee bulshada ay cagtooda maalayaan si ay u garaan goobahooda ganacsiga iyo waxbarashada.

Dhinaca kale maamulka gobolka Banaadir, ayaa ku dhawaaqay in ay wadaan gurmadka loo sameynayo dadka uu sameeyay roobka, gaar ahaan kuwa danta yar ee ku nool magaalada.

Mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, ayaa tagay qaar  kamid ah degmooyinka, iyaga oo tilmaamay in socdaan dedaalada lagu sama-tabixinayo dadka uu sameeyay roobka.

Sikastaba, xili roobaatka Gu’ga ayaa ka cuntay Soomaaliya, waxaana xiliyadan oo kale dadka beeraleyda ah ay sameeyaan beerida dalagyadooda si ay ugu fai’deystaan roobka, balse sidoo kale waxaa jira khasaarooyin kale ay daadadka biyaha roobka u geystaan dadka danta yar.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.