image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisulwasaare Rooble oo Guddoomiyay Shirkii Ugu Dambeeyay Ee Golaha

Muqdisho (Onkod Radio) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya  ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen, isagoo kula dardaarmay sii wadista howlaha Qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban  Xamse Cabdi Barre iyo dowladda cusub ee dhowaan lasoo dhisayo.
Ra’iisulwasaare Rooble ayaa waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa qabsoomidda doorashooyinka heer federal, taas oo lagu xasuusan doono sidii uu u maareeyay, xilli laga cabsi qabay in dalka doorashadiisa ay dhici wayso kadib markii dhow jeer muddo korarsi uu isku dayay Farmaajo.
Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada sidoo kale u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed oo wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego, oo xiligaan la daalaa dhacayo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay, waxaan in badan uu carabka u adkeeyay dardaarankiisa golaha.
Dhanka kale Xubnihii Golaha wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda Federalka Soomaaliya iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday, taas oo lagu xasuusan doono.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.