image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisul wasaare Xamsa “Hadafkeennu waa doorasho Qof iyo Cod ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day 2025), ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay iskaashiga nabadda, midnimada, iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimada, iyo dib-u-dhiska. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

“Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Midowga Yurub wuxuu garab taagnaa Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahayn, balse ficil. Waxaad naga caawiseen in miinooyinka la soo saaro, jidadka la dhiso, la tababaro ciidamo booliis ah, la horumariyo iskuullada, iyo in la taageero beeralaydeenna. Taasi waa saaxiibtinnimada dhabta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in hadafka dowladda uu yahay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dhammaan gobollada dalka. Waxa uu intaa ku daray in aanay jiri doonin doorasho dadban, isla markaana ay dadka Soomaaliyeed go’aan ka gaari doonaan cidda hoggaamin doonta.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.