image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka oo Kormeer ku tagay wasaaradda Gaashaandhigga

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jamaac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Gaashandhigga si uu u dhiirrigeliyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka, loona taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Saalax ayaa waxaa soo dhaweeyey Wasiirka Gaashandhigga, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha sare ee wasaaradda, isagoo warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda, oo ka warbixiyay horumarka laga sameeyey tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban dadaallada lagu xoojinayo amniga qaranka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo ka hortagga kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ay kawadan dalka.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waa tiir muhiim ah oo lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya oo nabad iyo horumar leh. Ciidamada qalabka sida waa halyeeyo u taagan difaaca sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.” ayuu yiri Mudane Salah Jama.

Intaa kadib, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, halkaas oo uu la kulmay shaqaalaha iyo xubno ka tirsan ciidamada qalabka sida, una muujiyay taageero iyo dhiirigelin.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda Federaalka ee ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hubinta in howlaha qaranka lagu wado si hufan oo waxtar leh, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha dowladnimada iyo sugidda amniga dalka.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.