image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

QM oo soo faragelisay doorashada Puntland

Garowe (ONKOD) — Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang oo gaartay magaalada Garoowe ayaa kulan gaar ahla yeelatay hoggaanka sare ee Puntland, ayada oo kala hadashay arrimo ku aadan doorashooyinka maamulkaasi.

Kulankan ayaa si gaar ah u dhex-maray madaxweyne Saciid Deni iyo Marwo Catriona Liang, ayada oo ay goobjoog ahaayeen madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada maamulka Puntland.

Catriona Liang ayaa madaxda Puntland kala hadashay sidiii xal loogu heli lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaas, gaar ahaan muranka doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynahe Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweynaha ayaa kulanka kadib ka hadlay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo wakiilka QM ee Soomaaliya, wuxuuna ka warbixiyay ujeedka kulankooda.

Deni ayaa shaaca ka qaaday inay ka wada-hadleen sidii ay doorashada ugu dhici lahayd si nabdoon, si looga hortago qalalaase iyo rabshado ka dhaca Puntland.

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladaha dalka ka jira oo ay ugu muhiimsan tahay sidii dalka looga qaban lahaa doorasho dimuquraadi ah oo ku dhacda si nabad-gelyo ah” ayuu yiri

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.