image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo Abiy Axmed oo Muqdisho ku soo wajahan

Waxaa maanta xiran qaar kamid ah waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, waxaa la soo dhoobay ciidamo kala duwan oo katirsan dowladda,kuwaasi oo gaadiidka iyo dadweynaha u diidaya isticmaalka wadada.

Sababta keentay in la xiro waddooyinka, ayaa waxa ay tahay in maanta Muqdisho, uu ku soo wajahan yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo caasumaad uu u fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobaha sidoo kale maanta xiran waxaa kamid ah Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, oo inta badan la joojiyey duulimaadkii aadi jiray gobollada dalka, kaliya waxaa shaqeynaya diyaaradaha dalka dibadiisa aadaya.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha waxbarashada, iyada oo dadka intooda badan ay cagtooda malayaan, si ay u garaan goobahooda ganacsi.

Ilo wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa Radio Onkod, u sheegay in imaanshaha Abiy Axmed ee Muqdisho, ay salka ku heyso arrinta la xiriirta Badda iyo qodobo kale oo iskaashi ay labada dhinac qorsheynayaan in ay wadagaan.

Qaban qaabadii u dambeysay ee soo dhaweeynta Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyey amniga guud ee Caasimada.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.