image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

PUNTLAND : Waqtiga la qabanayo doorashada Golayaasha deegaanka oo la shaaciyay

Garoowe (ONKOD ) Dowlad goboleedka Puntland ayaa  war ka soo saartay waqtiga ay tahay in deegaanada maamulkaas ay ka dhacayaan doorashooyinka Golayaasha deegaanka oo si aad ah isha loogu wada hayo .

War soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaaban doonaan doorashooyinkaaas oo qaban qaabadeeda hadda ay ka soconayso Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland, ayaa ku dhawaaqdey in la bilaabayo fariisinta goleyaasha deegaanka ee la soo doortay laga bilaabo 29/08/2023 oo ah maalinta daahfurka fariisinta goleyaasha deegaanka taas oo soconeysa ilaa September,2023.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa lagu faray in dhammaan xubnaha goleyaasha deegaanka ee la soo doortay ay u diyaar garoobaan fariisiinta, dhaarinta iyo doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Goleyaash Deegaanka.

Waxaa isbeddel lagu sameeyey xeerka goloyaasha deegaanka oo markii hore dhigaayey in doorashadu noqoto qarsoodi taas oo ah mid aan dimoqraadi ahayn maadaama Xildhibaanadan la soo doortey waxaa muhim ah in dadkuogaadaan sida ay u codeynayaan iyo in aysan ku codeyn si musuq ah oo ka baxsan danihii loo soo doortey.

Waxaa jira magaalooyin haddii aan Xisbiyada Kaah iyo Mideeye wada dhisin ay adkaaneyso in loo dhiso gole deegaan, maadama ay qabysadeen tirada ugu badan labadaas xisbi, si kasta oo kuwa kale ugu kala biiraan aysan helayn aqlabiyad, mana cadda in ay wada shaqeyn doonaan.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.