image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

PUNTLAND : Soo xulida Barlamaanka oo xowli ku socota.

Garoowe (ONKOD) Deegaanada maamul goboleedka Puntland waxaa ka soconaya oo ka bilowday soo xulista xubnaha Barlamaanka ee bedeli doono kuwi hore ee la kala diray.

Magaalada Garoowe waxa ay marti galinaysaa kulamo iyo Ololaha shaqsiyaadka ugu jiraan xilka xildhibaanimo iyo kuwa kale oo doorashada galaya si ay u helaan kursiga.

Beelaha kala duwan ee reer Puntland ayaa xulanaya xubnihii ku matali lahaa Baarlamanka shanta sano ee soo socota (2024-29).

Wararka ayaa sheegaya in durba la soo xulay qaar kamid ah xildhibaannada cusub islamarkaana dhawaan loo gudbin doono guddiga xallinta Khilaafaadka.

Magaalada Garoowe waxa  ay marti galaysaa siyaasiin badan oo u xusul duubaya in xilal ay qabtaan , maamulka cusub ee imaan doono isla  markaana bedeli doona kan hadda waqtiga uu ka dhamaaday ee Saciid Cabdullaahi Deni.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah ah u bilaabo shaqadiisa ansixinta xildhibaannada cusub.

Puntland  in muddo ah waxaa ka taagnaa khilaafka ka dhashay daaha ku yimid doorashada , inkastoo inta badan laga gudbay hadana waxaa wali taagan raadka khilaafka doorasho.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.