image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Puntland oo si kulul uga jawaabtay eedeeyn kasoo yeertay dowladda Federaalka

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh, ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabo ay qaaday Puntland oo ku sheegtay in aqoonsi gaar ah ay sameysanayo.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid lagu car qaladanayo aqoonsiga Qaranka ayna tahay khalad mas’uuliyadeed iyo mid sharci darro ah.

“Madaxweynaha Puntland tallaabada  uu qaadya ee ah sameynta aqoonsi gaar ah waa mid khalad ah oo sharci darro ah, waana mid si toos ah ugu xad gudbaya hanaanka dowladnimada dalka”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta ee Puntland, ayaa ka jawaabay eeda ay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya u jeedisay Puntland taa oo ku aadan aqoosiga gaar ah ee ay sameeysaneyso maamulka Puntland.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid oo la hadlay warbaahnta, ayaa sheegay in dowladda federaalka laga fadhiyo labada irridood ee laga galo Xamar, isla markaana looga baahan yahay in ay iyada soo gaarto hanaanka nabad ee Puntland.

Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Puntland ay diyaar u tahay wax walbo, balse wixii intaa ka horeeya wax walbo oo dhaco ay Puntland sameeysaneyso aqoonsigeeda

“Xamar labadii irridood baa laga fadhiyaaye Soomaali ha isa soo gaadho, Puntland aqoonsigeeda wey samaysanaysaa…” – Wasiirka Warfaafinta Puntland oo weeraray madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya”, ayuu yiri wasiir Ceydiid.

 

 

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.