image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Puntland oo dooneysa inay xoog ku soo furato Markab ay afduubteen burcad badeed

Dhowaan koox burcad badeedda Soomaali ah, ayaa afduubtay Markab Kalluumeysi oo laga lee yahay Dalka Shiinaha, kaasi oo burcad badeeda ka qafasheen xili uu ku sugnaa xeebaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Markabkan oo ay saarnayeen 18 shaqaalo ah oo u dhashay Shiinaha ayaa ku guda jiray howlo la xiriira Kalluumeysi, isaga oo ruqsad ka heystay Wasaaradda Kalluumeysiga ee Maamulka Puntaland, sida ay xogaha shegayaan.

Sarkaal u hadlay wasaarada kalluumeysiga Puntland ayaa sheegay in ay kasoo horjedaan in madax furasho la siiyo burcad badeedda,isaga oo hoosta ka xariiqay inay doonayaan inay si qasab ah ay ku soo furtaan Markabka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haddii lagu guuleysan waayo in burcad badeedda  ay si nabad ah uga dagaan Markabka, lagu fasaxi doono Ciidamada Puntland ayna weerari doonaan.

Shirkadda leh Markabka, ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in wax madax furasho ah aysan siinin burcad badeedda, hayeeshe wararka qaar ayaa tilmaamaya in lacag dhan hal milyan oo dollar ay diideen burcad badeedda.

Markabkan ayaa hadda lagu heysta xeebaha Degmada Eyl, waxaana warar kala duwan ay shegayaan in ganacsato reer Puntland ah ay dhankooda wadaan dedaalo lagu siideynayo Markabka, madaama la tilmaamay in howla Kallumeysiga Markabkan  waday ay ku lug leeyihin.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.