image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Puntland oo 15 maxbuus oo ay ku qabtay dagaalladii Laascaanood ku wareejisay Somaliland

Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is dhaafsaday  Maxaabiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood sannadkii 2023.

Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo la hadlay warfidiyeenada, ayaa sheegay in Puntland ay 15 maxbuus  ay ku wareejisay Somaliland, halka sidoo kale Puntland ay la wareegtay 11 maxbuus oo lagu qabtay  dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Maanta waxaa dowladda Somaliland ku wareejinay 15 maxbuus oo kamid ah maxaabiisti lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool 2023-kii. Somaliland dhankeeda waxa ay 11 maxbuus ku soo wareejisay dowladda Puntland,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Puntland.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in tallabadan ay muhiim u tahay xoojinta nabadda, Ganacsiga iyo is dhexgalka bulshada labada dhinac.

Weli maamulka Khaatumo kama uusan hadlin is dhaafsiga maxaabiista Somaliland iyo Puntland, waxaana xusid mudan maxabiista laga soo deynayo Somaliland, in aysan kasoo jeedin  SSC-khaatumo.

Sikastaba, tallaabadan is dhaafsiga maxaabiista, ayaa noqoneysa markii labaad oo lasii daayo maxabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.