image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

PUNTLAND : Doorashada 3 Degmo oo la qabanayo & khilaafkii oo la xaliyay

Garowe (ONKOD) Guddiga doorashada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaarayo khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee hor istaagay qabsoomidda doorashada golaha degaanka Garowe iyo labo degmo oo kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanku ay ku howlan yihiin xal ka gaaridda doorashada saddexda degmo.

Wuxuu sheegay in aysan hadda jirin caqabad weyn oo hortaagan doorashada, isagoo sheegay in wada hadalada socda ay yihiin kuwo siyaasadeed oo meesha looga saarayo baaqashada doorashada.

Dhinaca kale, ciidamadii hor taagnaa doorashada ayaa weli ku sugan magaalada Garowe duleedyadeeda, iyagoo weli diidan go’aankii dhowaan kasoo baxay guddi arrimahan loo xilsaaray, kuwaas oo go’aamiyay in ciidamadu ku laabtaan fariisimahoodii.

Goor sii horeysay  Guddiga ayaa soo bandhigay natiijooyinka  ay kala heleen xisbiyada siyasadeed ee ku  loolamay doorashooyinka Golaha deegaanka maamulka Puntland.

Doorashada golayaasha deegaanka ayaa ka dhacday sodon degmo oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, inkastoo cabsi amni ay keentay in la hakiyo codbixinta deegaanada qaar.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.