image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

PUNTLAND : ‘’Amniga –caasimadda Garoowe waa uu wanaagsan yahay ‘’

Garoowe (ONKOD)  ka dib markii soo baxay , war ku saabsan  in dad badan ay isaga cararayaan , xaafadaha magaalada  Garoowe ayaa arintaas waxaa war ka soo saaray Taliska ciidanka booliska Puntland.

Warka ka soo baxay , Taliska Booliska ayaa lagu sheegay in amniga caasimada Puntland uu wanaagsan yahay isla markaana aysan  jirin wararka ku saabsan in amniga uu faraha ka baxay.

Taliska dadweynaha Garoowe ku wargeliyay in aysan dhegaysan been-abuurka ay faafinayaan shakhsiyaad ay ku tilmaameen cadowga Puntland.

“Garowe waa amni heshiishkii xabad-joojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is agfadhiyana ma jiraan ee yaanan la qixin bulshada nabada ah,” ayuu yiri qoraalka Hay’adaha amniga Puntland.

Saacadihii la  soo dhaafay magaalada Garoowe waxaa  soo baxayay warar ku saabsan in amniga faraha uu ka sii baxayo , taas oo keentay in Taliska uu war ka soo saaro xaaladda amniga .

Dagaalkii doraad ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 ruux halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.