image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Ninkii weeraray Salman Rushdie oo maxkamad la soo taagayo

Ninka lagu eedeeyay inuu isku dayay dilka qoraaga Salman Rushdie, taasoo keentay inuu wayao aragga isha midig, ayaa Talaadada wajahaya maxkamadeyntiisa dacwad la xiriirta isku day dil, sida ay muujinayaan dukumentiyada maxkamadda gobolka.

Hadi Matar, oo ah muwaadin Mareykan ah oo asal ahaan Lubnaan ka soo jeeda, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad kale oo heer federaal ah oo la xiriirta argagixisanimo, iyadoo lagu eedeeyay inuu weerarkii 2022 ku fuliyay magaca kooxda hubeysan ee Xizbullah.

Bishii Agoosto 2022, Rushdie—oo hadda 77 jir ah—ayaa lumiyay aragga indhihiisa midig, kaddib markii nin mindi ku hubeysan uu weeraray munaasabad suugaaneed oo ka dhacday gobolka New York. Qofka weerarka fuliyey ayaa ku dhuftay toorrey ku dhawaad 10 jeer isagoo si xowli ah ugu booday masraxa.

Qoraagan asalkiisu Hindiya yahay, balse haysta dhalashada Mareykanka oo ku nool New York, ayaa wajahayay hanjabaado dil tan iyo markii uu daabacay buuggiisa “The Satanic Verses” ama “Aayadaha Sheydaanka” sanadkii 1988, kaasoo hoggaamiyaha sare ee Iran uu ku tilmaamay mid aflagaado ku ah Islaamka.

Ayatollah Ruhollah Khomeini ayaa sanadkii 1989 soo saaray fatwo ku baaqaysa in Muslimiinta adduunka oo dhan ay dilaan Rushdie.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in Xizbullah ay taageertay fatwadaas.

Hadi Matar ayaa u sheegay wargeyska New York Post in uu kaliya akhriyay laba bog oo ka mid ah buugga Rushdie, balse uu aaminsanaa in qoraagu “weeraray Islaamka.”

Rushdie waxa ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen qoorta iyo caloosha kahor intaan dadkii goobta fadhiyay iyo ilaalada ay ka hor istaagin weerarka.

Matar, oo 27 jir ah, ayaa Talaadada ka soo muuqanaya maxkamadda degmada Chautauqua ee gobolka New York, halkaas oo uu dacwad oogaha ka yahay garsoore David Foley.

Waxa uu wajahaya dacwado la xiriira isku day dil iyo weerar.

VOA

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.