image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray ciidamo katirsan NISA oo ku biiraya dagaalka Shabaab

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga, ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo Malleeshiyaadka Al-shabaab, maadama la siiyey tababarro adag.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha Khawaarijta ah.

Ugu damneyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.