image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu yahay sharciga ay ansixiyeen golaha wakiilada ee dowlad goboleedka Jubbaland ?

Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta xaruntooda ku yeeshay Kalfadhiga 1-aad, fadhigiisa 6-aad. oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa diiradda lagu saaray ka doodista 3aad ee xeer-hoosaadka uu ku shaqeyn doono Baarlamaanka Jubbaland.

Fadhiga ayaa waxaa ka soo qeybgalay 60 mudane, kuwaas oo muddo dheer dood ka yeeshay xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Intii uu socday kulanka mudaneyaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay qodobada muhiimka ah ee xeerka, iyadoo ugu dambeyn cod loo qaaday ansixinta xeerka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, taas oo muujisay in 59 mudane ay u codeeyeen in xeer-hoosaadka uu noqdo mid ansax ah, halka hal mudane uu ka aamusay. Sidaas darteed, xeerka ayaa si rasmi ah loogu ansixiyay kulanka.

Xeer-hoosaadka cusub ayaa muhiim u ah shaqooyinka Baarlamaanka Jubbaland, isagoo noqon doona hage rasmi ah oo lagu jaangooyo howlaha iyo hab-maamulka Golaha Wakiillada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.