image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri wada-hadal lala galo Al-Shabaab ?

Ankara (Onkod Radio) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Turkiga oo uu booqasho ku joogo ayaa sheegay in ugu danbayn ay dawladdu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah. Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladdu ay doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’ado dawli ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ammaanay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo uu sheegay inuusan ku salaysnayn oo keliya taageero bani’aadaminnimo balse sidoo kale uu ku salaysan yahay iskaashi.

VOA SOMALI

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.