image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu ku saabsanaa kulanka dhex maray Ra’iisul wasaare Xamsa iyo safiirka Falastiin u fadhiya Soomaaliya ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dowladda Falastiin, Rowaid Adil Mohamed oo dhowaan laga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Falastiin Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin..

Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiir Rowaid Adil Mohamed ugu hambalyeeyay xilka cusub, isaga oo caddeeyay in Soomaaliya ay mar walba garab taagan tahay shacabka Falastiin gaar ahaan xaqa taariikhiga ah ee ay u leeyihiin Falastiiniyiintu xornimada iyo madax-bannaanidooda wuxuunna cadeeyay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahayn barakicinta shacabka Falastiin.

Dhankiisa, Safiir Rowaid Adil Mohamed , ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Falastiin, isaga oo xusay in dadka reer Falastiin ay si dhow u og yihiin abaalka walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.