image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muxuu kala hadlay wasiirka warfaafinta ee XFS Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ?

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee KMG ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ambassador James Swan.

Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay horumarka laga gaaray hawlaha dib-u-eegista Dastuurka iyo doorashooyinka ku saleysan qof iyo cod ee la qorsheynayo in dalka ay ka qabsoomaan -sannadkan iyo sannadka xiga ee 2026-ka.

Sidoo kale wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa bogaadiyay hawlaha u qabsoomay Dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, Isla markaana xoojin doonto iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa uga mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ay ka cayaartay arrimaha la xiriira taageerada Soomaaliya 30kii sanno ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay in taageeradaas ay qeyb weyn ku lahayd dib u dhiska dowladnimada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.