image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muuse Biixi oo si kulul ugu jawaabay hadalkii kasoo yeeray Xasan Sheekh

Hargeysa (Onkod Radio) — Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay hadal uu dalka Mareykanka ka sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ahaa ineysan marnaba aqbaleynin in Somaliland ay ka go’do soomaaliya inteeda kale.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Xasan Sheekh aan waxba laga weydiineynin qadiyada gooni isu taagooda, isagoo tilmaamay in mudo 30 sano ah ay yihiin qaran madax banaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Sheekh iyo Xamar nin joogo waxba laga weydiin maayo qaddiyadda Somaliland, 30 sanno qaran madax bannaan ayeynu nahay,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi oo boqolaal dad ah la hadlayay ayaa dhinaca kale shaaciyay in hadalka ka soo yeeray Xasan Sheekh Maxamuud uu abuurayo cadaawad horleh oo dhex-marta Soomaaliya iyo Somaliland

“Hadalkaa aad tiri cadaawadduu kordhinayaaa aqli xumana way tahay 30 sanno ayeynu kala maqneenee waxaa ka wanaagsanaa inaad tiraahdo oo ku leenahay laba dowladood oo jaar ah oo walaalo ah oo Soomaaliyeed ma ahaanaa?” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Biixi.

Si lastaba, Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale, balse majiro ilaa iyo haatan wax dal ah oo aqoonsaday, iyadoo caalamla ay ula macaamiltamaan sida maamul goboleed ka mid ah Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.