image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muuse Biixi muxuu ka yiri muranka ka taagan doorashada Somaliland?

Muqdisho (Onkod Radio) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la u warramay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan xasaradaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Biixi ayaa si gaar ah uga hadlay muranka hareeyey doorashada, wuxuuna iska fogeeyey eedeymaha uga imaanaya mucaaradka ee ku aadan inuu diidan yahay doorashada.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in uusan awood u laheyn inuu dib u dhigo doorashada guud ee Somaliland, isla-markaana ay dhaceyso.

“Qolada mucaaradka waxa ay igu yiraahdaan kursiga ayuu sii dheereysanayaa horta awooddaas ma leeyahay? Tan kale ma doonayo neynaas ah waa loo kordhiyay, markii hore har cad ayaan la tartamay haddana kuwa soo bixi doona har cad ayaa la tartamayaa,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa digteetar! Digtaarooriyad oo ah wixii aan rag ka diiday in aan Dad kale ku sameeyo xaashaa-lillaahi igama suurowdo, Walaa Xisbiyada iyo walaalahey kama suuragasho”.

Dhinaca kale wuxuu soo hadlay qaaday dibad-baxyada isaga ka dhanka ah ee ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay u diideen ay tahay ilaalinta nabad-gelyada, si looga fogaado isku dhacyo.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.