image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mustafe Cagjar: waan ka feejigannahay weerar mar kale Al-Shabaab nooga yimaada

Jig Jiga (Onkod Radio) — Madaxweynaha dowlad deegaaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cagjar oo booqasho ugu tegay Ciidamada Liyuu Boolis ee furimaha ku jira ayaa u mahadceliyay ciidamada sida ay habeen iyo maalin ugu howlanyihiin sugidda iyo xaqiijinta amniga deegaanka iyo sida ay kaga hortagaan falalka amniga lidiga ku ah ee xilliyada qaarkood ka dhaca dowlad deegaanka.

Mustafa Muxumad Cajgar oo ka hadlayay weerarada Al-Shabaab ee dowlad deegaanka ayaa Waxa uu xusay in Al-Shabaab aysan ku soo dhiirran karin inay weerar ka geystaan dhulka dowlad deegaanka, isla markaana ka xukuumad ahaan ay ka feejiganyihiin weerarada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu dadka shacabka ah ugu baaqay inaysan soo dhaweysan qof waliba oo wada falalka amniga lidi ku ah ayna shacabku ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab lana shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

”Ka xukumad ahaan waan ka feejiganahay in Al-Shabaab ay soo weeraraan deeganka Culima’udiin, Waxgarad, dhallinyaro, Haween, iyo qof waliba waxaan ugu baaqeynaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka lana soo wadaagaan xogaha Kooxda Cadawga ah” ayuu yiri Mustafa Muxumada Cagjar.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cagjar oo sii watay hadalkiisa ayaa sheegay in ka dowlad deegaan ahaan ay u diyaarsan yihiin sidii Al-Shabaab aysan ugu soo dhiirran lahayn inay dhibaateeyaaan dadka shacabka iyo sidii dadka tabaaleysan loo garab istaagi lahaa, asigoona ku ammaanay hay’adaha ammaanka kaalinta ay ka qaateen nabad gelyada dowlad deegaanka.

Booqashada Madaxweyne Mustafa Muxumad Cagjar ee jiidda Hore ee dagaalka ayaa daba socota dhaq dhaqaaqyo maalmahaan ciidamada liyuu-Booliis ay ka wadeen xadka dowlad deegaanka uu la wadaago goballada Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool, kuwaaas oo ay uga gol lahaayeeen inay ka hortagaaan weeraro Al-Shabaab ay mar kale ku qaadaan dhulka dowlad deegaaanka Soomaalida.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.