image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MUQDISHO : Qaraxyo ka dhacay Bakaaraha & go’aan la soo saaray

Muqdisho (ONKOD ) Suuqa  Bakaaraha   ee magaalada Muqdisho ayaa maanta gabi ahaaba hawanaya ka dib ammaan darro baahsan oo  – halkaas ku soo korortay maalmihii la soo dhaafay

Suuqa oo shalay xirnaa meelaha qaar ayaa maanta gabi ahaanba albaabada loo laabay oo kama jiro wax ganacsi ah oo halkaas ka furan waxaana ganacsatadu la soo deristay cabsi.

Goobo badan oo ganacsi oo ay ku xirnayeen CCTV ayaa gabi ahaanba la qarxiyay gaar ahaan goobo ay ku yaalaan suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Suuqa Khaliifa ayaa ugu danbeeyay goobaha la qarxiyay oo  maanta gabi ahaanba la xiray sida ay sheegayaan ganacsatada ku nool suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacstada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qabaan cabsi xoogan oo la xiriirta amnigooda ka dib markii ay soo kordheen weerarka ka dhanka ah goobahooda ganacsiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho , balse ilaa iyo hadda waxba lagama qaban.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay ganacsatada magaalada Muqdisho in CCTV lagu xiro goobaha ganacsiga taas oo keentay in Al- Shabaab dhankooda ay soo saareen go’aan kaas ka soo horjeeda.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.