image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

MUQDISHO : Madaafiic lagu garaacay Villa Soomaaliya iyo Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay

Muqdisho (ONKOD ) Saakay salaadii subax tiro hoobiyaal  ah lagu garaacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee kutaalla Muqdisho, waxaana madaafiicdaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka magaalada Muqdisho oo badi hurdayay, halka kuwa kalana ku guda jireen dukashada salaada subax ayaa mar qura la maqlay dhawaqa tiro madaafiic ah.

Khasaare isugu  jira dhimasho & dhaawac ayaa ka dhashay hoobiyaashan saaka lagu garacaay magaalada Muqdisho , si gaar ah jihada Madaxtooyada Soomaaliya.

Inta la ogyahay waxaa ku  dhintay  dad isku qoys ah waa Aabe iyo Gabadh uu dhalay, halka ay dhaawacmeen Hooyada Qoyska & labo Carruur oo isla qoyskaas ah .

Aabaha qoyskaan dhibaatadu gaartay waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa Macalin Dugsi Qur’aan oo si weyn looga garanayo xaafaddaas uu ku naf waayay, waxaana magaciisa lagu soo koobay Macalin Aweys.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka weli ma bixin faah-faahin la xiriirta Hoobiyaha  lagu garaacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa mararka qaarkood madaxtooyada dalka ku weerarta madaafiic, waxaana madaafiicdaasi intooda badan ay ku dhacaan guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ka agdhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.