image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo la wareegay xilka Wasaaradda Diinta

Muqdisho (Onkod Radio)— Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Hoggaamiyihii hore ee Ururka Al-Shabaab ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib kalsooni siinta Golaha Shacabka ee 7-dii bishaan.

Munaasibada xil-wareejinta oo ka dhacday gudaha Wasaarada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, xilka ugu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyey Wasiirkii Hore, wakhtiga uu ku bixiyey u khidmeynta dalkiisa iyo diintiisa iyo sida uu diyaarka ugu yahay in uu shaqadan ku garab istaago Wasiirka xilka kala wareegay.

Sidoo kale waxa ra’iisul wasaaraha xusay muhiimadda ay wasaaraddani u leedahay toosinta dowladnimada iyo ilaalinta diinta iyo dhaqanka suubban ee dadka Soomaaliyeed.

Xil-wareejintan ayaa qeyb ka aheyd xil-wareejino dhowr ah oo wasiirada cusub ay kula wareegayaan wasaaradaha loo soo magacaabay, si loo dardar-geliyo shaqada muhiimka ah ee hortaalla.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa 2-dii bishaan si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.