image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Muddo kordhinta u samaystay Barlamaanka Puntland oo la diiday.

Garoowe (ONKOD) Barlamaanka maamul goboleedka Puntland oo dhawaan shaaciyay in ay sii joogi doonaan muddo sanad ah  ka dib fadhi ay ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa arrintaas waxa muuqanaysa in la diiday.

Xukuumadda Puntland ayaa dalbanaysa markaan in la kala diro Golaha wakiilada maamulkaas  si loo soo doorto xubnaha cusub ee  Barlamaanka si ay u soo doortaan Guddoomiyaha Barlamaanka iyo  Madaxwaynaha bedeli doona DENI.

‘Labo Go’aan ayaa soo bixi doona in Madaxwayne Deni kala diro golaha wakiilada Puntland iyo in Maxkmada Dastuuriga ay qaraar ku hor istaagto muddado kororsigi golaha wakiilada, Furayaasha waa laga qaadayaa Barlamanka”Wasiir Maxamud Caydiid wasiirka war faafinta Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

Wararka ayaa sheegaya in weli aysan maxkamaddu jawaab ka bixin dalabka xukuumadda ee ku saabsan burinta go’aankii Baarlamanka si loo kala diro.

Dhinaca kale, ma jiro wax fadhi ah oo Baarlamanka Puntland yeelanayo ka hor Khamiista Todobaadkan sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan golaha.

Xildhibaannada ayaa sheegaya in Fadhiga Khamiista looga hadli doono qodoba ay ku jirto ansixinta odoroska Miisaaniyadda 2024.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.