image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mucaaradka Puntland oo sheegay inay tuutaha qaadanayaan

Garowe (ONKOD)  Maanta waxaa magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ka furmay shirka Mucaaradka Puntland, kaas oo ay kaga arrinsanayaan sidii loo aadi lahaa doorasho Madaxweynaha, ka hor 8-da January 2024.

Shirkan ayaa ka fumray Beerta Arlo Pack ee duleedka caasimadda Garowe, ka dib markii Hotellada waa weyn qaar ay ka dhaga adeegeen shirkaasi in lagu qabto, xilli maamulka Saciid Deni uu horay uga digay in la qabto kulamo looga soo horjeeda maamulkaas.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka oo maanta ka hadlay furitaanka shirka, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaadka yahay Saciid Deni in uu qabto doorasho ku qabsoonta xilligeeda.

Siyaasi Asad Cismaan Diyaano oo ka mid ah mucaaradka Puntland ayaa yiri, “Haddii doorasho la qaban waayo January 8, waa in tuute la qaato oo Deni lasoo qabtaa, musharaxiinta halkan fadhiya waxaan leeyahay looma baahna suit ee tuute halasoo qaato oo yaan loo kala dhuuman.”

Hadalka ka soo yeeray mucaaradka ayaa ku soo beegmaya xilli Xukuumaddu Puntland ay sheegtay dhawaan in Puntland ku jirto doorasho qof iyo cod, balse Guddiga Doorashada ayaa weli soo saarin jadwalka doorashada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.