image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Midowga Yurub oo joojiyay dhaqaale uu siin jiray Soomaaliya – musuq dartiisa

Muqdisho (ONKOD ) Guddiga Fulinta ee Midowga Europe waxay si KMG u hakiyeen Dhaqaalihii loogu yaboohi jirey Xafiiska Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, kadib, markii la shaaciyey Xog ay soo diyaariyeen Baarayaasha QM, loona gudbiyey Xoghayaha Guud ee QM bishii July 7-dii ee sanadkan.

Baarayaasha ayaa soo ogaaday inay jirto Xatooyo Baahsan iyo in si qaldan loo isticmaalo Kaalmada looga hor tegi lahaa Macluusha.

Midowga Europe waxay in ka badan 7 milyan oo Dollar ku bixiyeen Hawlgallada Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ee gudaha Somalia sanadkii hore ee 2022-ka.

Baaritaanka QM ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug leeyihiin arrintaan.

Xubnahaan ayaa la sheegay in barakacayaasha iyo guud ahaan ka faa’iideystayaasha ay ku khasbeen inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyada oo loogu handadayo in la xirayo ama laga saarayo diiwaan-gelinta liisaska ka faa’iideystayaasha kaalmadda caalamiga.

Warbixibta Baarayaasha QM waxaa kaloo lagu xusay inay soo heleen in Xatooyo baahsan loo geysto Deeqaha Aadminimo ee loogu talagalay Barakacayaasha gudaha Somalia.

Si kastaba, 3 bilood ka hor, WFP iyo Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga ee USAID waxay hakiyeen Gargaarkii Cuntada ee Ethiopia, kadib, Leexsasho Baahsan ee Deeqihii Caalamka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.