image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxkamad xukun ku riday laamane ku nool Muqdisho oo iska duubay muqaalo anshax xumo ah

Maxkamadda degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, ayaa 2 sanno oo xabsi ah ku xukuntay Nin iyo Xaaskiisa oo  124 muqaalo oo anshax xuma ah iska duumay, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda degmada Waaberi Abshir Cumar.

Guddoomiyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed uga digay in ay si qaldan u isticmaalaan Caamirooyinka iyo Moobilada lagu duubayo qolalka gaar ah lamaanayaasha Aabaha  ama Hooyada Guriga.

Guddoomiyaha ayaa muqaal wacyi gelin ah soo duubay  si bulshada ku nool degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, ugu digayo  in ay ku kacaan falal anshax xumo  ah kaasi oo lagu baahiyey Telefashinka Qaranka ee dowladda.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay  in ay qariyeen magacyada iyo sawirrada lamaanayaashaan, xukunka ku dhacay.

Waxa uu intaas ku daray hadalkiisa guddoomiye Abshir  in muuqalada lamaanaha lala wadaagay  qaar kamid ah waalidiintooda, iyada oo looga dalbanayo in ay bixiyaan lacago, balse waalidiinta ayaa ogaaday in lamaanaha ay isla og yihiin arrintaani.

Ugu dambeyn guddoomiye Abshir, ayaa carabta ku dhuftay mudda saddex bil ah e e uu hayo maamulka Maxkamaddaan, uu yahay mid kamid ah kiisaski ugu yaabka badnaa ee soo mara,  waxa uuna ugu baaqay  shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan falalka la xiriira anshax xumada.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.