image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxay yihiin ciidamada ay Ethiopian Airlines kasoo dejisay Muqdisho?

Muqdisho (Onkod Radio) –Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Muqdisho kasoo dejisay ciidamo ay Dowladda Nigeria usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka ATMIS, qaybta booliska oo taageero tababar iyo la talin u fidin doono Booliska Soomaaliya.

Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 160 askari ayaa bedelaya kuwa kale oo loo yaqaan Nigeria Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhawaan ku laabtay dalkaasi, kadib markii ay soo gabagabeeyeen howlgalkooda shaqo oo ay ka mid ahaayeen in ay gacan ka geystaan sugidda amniga intii lagu jiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee ka dhacay Soomaaliya.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaybta booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1,040 askari oo ay ku jiraan 5 Unug boolis oo la sameeyay, waxayna shaqeyn doonaan illaa marka la gaaro December sanadka 2024-ka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay taageeraan tababarada gaarka ah iyo la-talinta ciidamada booliska Soomaaliya oo haatan isku diyaarinayo howlgallo lagu sugayo amniga dalka.

Ku-xigeenka taliyaha booliska, Fidelix Jonah Awu,oo hoggaaminayey kooxda imaatay ayaa sheegay inay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta sharciga iyo dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Tani waa unuggii kow iyo tobnaad ee booliska Nigeria ee loo dirayo Soomaaliya tan iyo 2012, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday howlgalka ATMIS, qaybta booliska.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.