image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxay tahay sababta usoo celin weyday Eritrea ciidamada Soomaaliya

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay shaaciyey sababta uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki usoo celin waayey ciidamada Soomaaliyeed ee dalkiisa uu tababaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dowladda Eritrea aysan tababarin oo kaliya 5,000 oo askari oo Soomaali ah, balse ay sidoo kale qalabeysay, sida uu hadalka u dhigay.

Sannadihii ugu dambeeyay dowladda Farmaajo ayaa waxa khilaaf iyo xiisad siyaasadeed ay u dhaxeysay madaxweynihii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo marar badan ka digay in ciidanka Eritrea joogay loo adeegsan karay in dalka la geliyo.

Haddii uu sax yahay hadalka Xasan Sheekh waxay u egtahay in Afwerki uu dhageystay qeylo dhaanta mucaaradkii dowladda Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda ka shaqeyneyso hab ay ciidamadaas lagu tababaray Eritrea dib ugu soo celineyso dalkooda.

“Waxaan ka codsaday dowladda Mareykanka inay Soomaaliya ka caawiso sidii ciidamadaas loo soo celin lahaa, wayna soo laaban doonaan dhowaan, waxaana hubaa inay gacan ka gaysan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa markii dib loo doortay wuxuu 9-kii July socdaal ku tegay dalka Eritrea, isaga oo soo arkay xaaladda ciidamadaas, lana soo kulmay madaxweyne Afwerki oo uu kala hadlay sidii loo soo celin lahaa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.