image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxaa looga hadlay kulankii guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Safiirka dalka Shiinaha

Muqdisho (Onkod Radio) — Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Fei Shengchao.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista doorka wada shaqayn ee Baarlamaannada labada Dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Aqalka Sare.

Sidoo kale Danjire Fei Shengchao ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal hambalyo ah oo ku aadan dib u doorashadiisa oo uu ka waday Baarlamaanka Dowladda Shiinaha.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao booqashadiisa maanta iyo ka qeyb-galka dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa daba socda kulamo gooni-gooni ah oo Safiirka Shiinaha uu la qaadanayay mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda, wuxuuna dhawaan ballan-qaaday in dowladiisa ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso dalkeena.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.