image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxaa lagu qabanayaa 75 milyan ee Bank-ga Aduunka ka cafiyay Soomaaliya ?

Nairobi (ONKOD ) Soomaaliya waxay heshay $75 milyan oo deeq ah oo ka timid Bangiga Adduunka si ay gacan uga geysato xoojinta hay’addaha dalka iyo sidii deymaha looga cafin lahaa

Lacagtan ayaa qayb ka ah, kaalmooyin xidhiidh ah oo la siinayo Soomaaliya, taas oo Bangiga Adduunku uu sheegay inay ka taageerayso Soomaaliya, inay horumar ka samayso hiigsigeeda ku aaddan, inay noqoto mid si rasmi ah ugu qalanta, deyn cafinta.

“Dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda hay’ado awood leh ayaa lagu xoojiyey deeq cusub oo dhan $75 milyan, waana deeqdii labaad ee laba deeq oo xiriir ah oo ka caawinaya dalka inuu horumar ka sameeyo waddada ku aadan inuu ku guuleysto dayn cafin qeyb ka ah barnaamijka HIPC,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka.

Deeqda waxaa loo isticmaali doonaa in lagu taageero tiro dib u habeyn ah, oo ay ku jiraan:

Ansixinta shuruuc cusub ee hay’adaha muhiimka ah sida kalluumeysiga iyo korontada.

Dejinta sharciga maalgashiga iyo ilaalinta maalgashadayaasha cusub.

Oggolaanshaha sharciga aqoonsiga dhijitaalka ah si uu u taageero borotokoolka aqoonta-macmiilkaga.

Sameynta sharciga ilaalinta xogta si loo bixiyo ilaalinta isticmaalka xogta shakhsi ahaaneed.

Taageerida dhismeyaasha kastamyada guud ahaan Soomaaliya.

Xoojinta shaqada hanti dhawrka.

“In kasta oo ay jiraan caqabado badan, Soomaaliya waxa ay sii waddaa xasillooni dhaqaale. Dib-u-habayntan lagu dhisayo hay’adaha dowliga ah ayaa Soomaaliya u sii dhoweynaya yoolka ah in deymaha laga cafiyo, taas oo meesha ka saaraysa deymihii ay qaadatay kahor dagaalkii sokeeye,” ayaa lagu yiri bayaanka Bankiga Adduunka.

Dib-u-habayntan ayaa muhiim u ah ilaalinta hantida dadweynaha, dhisidda kalsoonida dawladda iyo muwaadiniinta, iyo yaraynta khilaafaadka. Waxa ay sidoo kale Soomaaliya ka caawin doonaan in ay soo jiidato maalgashi iyo in ay gaarto kobac dhaqaale.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.