image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maxaa ku riixay Xasan Sheekh inuu dib ugu laabto Galmudug ?

Muqdisho (ONKOD) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa dib ugu laabtay  magaalada Dhuusmareeb ee gobolka galgaduud  halkaas oo  uu ka bilaabi doono wada hadal ku saabsan howlgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh oo culays kala kulmay beelaha dega Galmudug  , taas oo ku riixday inuu Maxaas uu tago isla markaana  ka codsado beelaha Hiiraan in laga gacan siiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa la  hordhigay markii uu tagay Maxaas inuu aqoonsado maamulka Hiiraan State oo uu dhisay Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Jayte inkastoo madaxwaynaha uu ka biyo diiday arrintaas.

Hadda markale ayaa lagula taliyay Xasan Sheekh inuu dib ugu laabto Dhuusmareeb si uu u ambaqaado wada hadalada beelaha qaar oo la sheegay in aan daacad ka ahayn howlgalada lagula dagaalamayo Al- Shabaab.

Culays xoogan ayaa ka jira xilliga hanaanka loo marayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab kuwaas oo la doonayay in ay si siman uga bilowdaan  Galmudug , hase ahaatee waxaa soo baxaya in aan daacad laga ahayn.

Lama oga sida   markale madaxwaynaha uu ugu guulaysan doono inu beelaha qaar uu ku qanciyo in laga gacan siiyo howlgalada oo uu u arko inuu ku heli karo kalsnooni dhanka shacabka ah

Waxaa kaloo xusid mudan in Galmudug xiligan uu  ka taagan yahay  khilaaf salka ku haya arrimaha Golaha deegaanka Caabudwaaq taas oo  la leeyahay waa saamayn kale oo  howlgalada ay ku yeelan karto hadii aan xal laga  gaarin

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.