image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mareykanka oo soo dhoweeyey heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ay gareen

Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen in lagu soo afjaro xiisadda gobolka ee ka dhalatay isku dayga ay Addis Ababa ku dooneyso inay marin u hesho badda.

Labada dal ayaa khilaaf uu ka dhaxeeyey tan iyo markii dalka Itoobiya ee aan badda lahayn uu bishii Janaayo heshiis la galay maamulka Somaliland ee sheega in uu ka go’ay Soomaaliya, kaas oo ku saabsanaa in dhul xeebeed laga kireeyo Addis-Ababa oo ay ka sameysato deked iyo saldhig ciidan.

“Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa Baaqii 11-kii December ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka ee Itoobiya ee lagu xaqiijinayo qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka Antony Blinken.

Blinken waxa uu intaas ku daray in Washington ay sugeyso “wada xaajoodka farsamada” ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya “iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Antony “waxa uu rajeynayaa in si degdeg ah loo billaabo wada xaajoodyada farsamada iyo natiijo wanaagsan oo laga gaaro geeddi-socodka” ayuu afhayeenkiisa Stephane Dujarric ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Ka dib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday heshiiskii ay la gashay Somaliland — oo si iskeed ah ugu dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya 1991-kii – mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in Itoobiya ay dawladdooda siinayso aqoonsi rasmi ah,taasi oo ay ka caroortay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.