image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mareykanka oo jaray xogaha sirdoon ee uu la wadaago Ukraine

Mareykanka ayaa Arbacadi shalay jaray xogihii dhanka sirdoonka ee uu la wadaagayay Ukraine, tallaabadaas oo si weyn u yareyn karta awoodaha Kyiv ee sii wadista dagaalka muddada saddexda sano ay kula jirto Ruushka.

Washington ayaa aad u riixeysa wadahadallo nabadeed oo ay dooneyso in ay ku soo afjarto dagaalka labada dowladood ee derisk ah.

Madaxweyne Donald Trump ayaa horraantii todobaadkaan amray in la hakiyo gargaarka millatari ee uu Mareykanka siiyo Ukraine, maalmo yar kaddib marki ay hadallo kul-kulul Aqalka Cad isku weydaarteen isaga iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Agaasimaha CIA-da, John Ratcliffe ayaa Arbacadii sheegay in Maraykanku uu xilligan la joogo soo afjaray la wadaagidda xogaha sirdoon ee xukuumadda Kyiv, inkastoo tallaabadani ay noqon karto mid gaaban ka dib markii Zelenskyy uu sheegay in hadaladii kululaa ee isaga iyo Trump ku dhexmaray xafiiska madaxtooyada ay ahaayeen “wax laga qoomameeyo” iyo in Ukraine ay diyaar u tahay wadahadal nabadeed oo ay la yeelato Ruushka.

Tan iyo bilawgii dagaalka ee sannadki 2022-kii, Maraykanku waxa uu Ukraine siinayay xogo sirdoon oo muhiim ah, oo ay ku jiraan macluumaadka xasaasiga ah ee ay u baahan yihiin milatariga si ay u beegsadaan ciidamada Ruushka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.