image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari

Dowladda Mareykanka ayaa maanta duqeyn cirkaa waxa ay maanta ka fulisay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana duqeyntaas la sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday Togga Miiraale oo la aaminsan yahay meelaha ay ku sugan yihiin horjoogayaasha Daacish, balse ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Duqeymahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa maamulka Puntland looga caawinayo in lasoo afjaro dagaalka kooxda Daacish ay kula jirto oo muddo ka badan 3 bil ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Dhinaca kale duqeyn 25-kii bishan ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen Togga Miraale, ayaa lagu dilay tiro ka badan dagaalamayaasha Daacish, kuwaasi oo loogu tagay meydadkooda gododkii ay ku jireen.

Dowladda Mareykanka ayaa mar sii horeeysay shaacisay in ay bartilmaameedsan doono kuwa khatarta ku ah amniga dalkiisa, taasi oo keentay in uu kordhiyo duqeymaha uu ka geysanayo Soomaaliya.

Madaxda Puntland ayaa tilmaamay in inta badan Daacish laga saaray buuraha Calmiskaad, kaliyana ay ku harsan yihiin Togga Miiraale oo u dhaw magaalada Boosaaso, balse sida la sheegay ay adag tahay in ciidamo lugta ay galaan maadama waddooyinka laga galo Togga Miiraale ay miinoyin ku geliyeen Daacish.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.