image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Mahad Salaad oo ammar xasaasi dul-dhigay ciidan iyo gaadiid ilaalo u ah Fahad Yaasiin

Muqdisho (Onkod Radio) — Sida ay ilo wareedyo ka tirsan hey’adda NISA u xaqiijiyeen Onkod Radio,Taliyaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyey inay soo xaroodaan askarta iyo gaadiidka ilaalada ka ah guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Illaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka NISA iyo labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa la siiyey amarkaan, kuwaas oo ilaalo ahaan u jooga guriga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxaa maanta aad baraha bulshada loogu faafiyey war sheegayey in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse waxay Onkod Radio soo xaqiijiyay in uusan dhicin wax weerar ah.

Ciidamadaan oo wata laba gaari ayaa lagu amray inay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin ilaalada Taliyaha NISA oo hadda loo magacaabay Mahad Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa hada dalka ka maqan, wuxuuna bartamihii bishii hore u safray dalka Turkiga, maalin kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa jiheeyaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda dibad joog ka ah siyaasadda, kadib markii uu guul dareystay madaxweyne Farmaajo oo mudo uu kala shaqeynaayey dib u doorashadiisa.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.