image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweynihii ku-xigeenkii hore ee Kenya oo cadeeyey sababta uu xilka u degay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kenya oo sheegay sababta uu xilka u tagay ay aheyd kaddib markii xilalka ugu muhiinsan loo magacaabay bulshadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

“Waxaan uga tagay in aan la shaqeeyo madaxweyne William Ruto, bulshadda Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ayuu u magacaabay xilalka ugu muhiimsan waddanka, ku waas oo ugu muhiimsan yahay dhanka ammaanka oo ku taxay, waxaan waydiiyay Madaxweyne Ruto maxaad xilalka ugu muhiimka ah u siisay Bulshadda Soomaalida, waxa uu iigu jawaabay way u qalmaan xilalka aan u dhiibay.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

Khilaaf  soo kala dhex galay sanadkii hore ee 2024-kii madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua, ayaa sababay in Baarlamaanka dalkaasi Kenya ay u codeeyaan in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne kuxigeenkii dalkaasi Gachagua, 281 mudane ayaa u codeeyay xil ka qaadistiisa, 44 mudane way diideen, hal mudanena wuu ka aamusay.

Waxa uuna Sidaas ku waayay xilkiisa madaxweyne ku-xigeenka horee ee Kenya, balse muddo kaddib hadalkan ayaa saamayn ku dhex yeeshay gudaha dalka Kenya.

Sikastaba, madaxweynaha dalka Kenya muddo kaddib waxa uu xilkii ka qaaday  Aadan Barre Ducaale oo ahaa wasiirka Gaashaandhiga Kenya, sidoo kale waxaa xusid mudan in  Weli  Soomaalidu ay hayaan booska Sirdoonka oo ah goob laftedu ah meel xasaasi ah.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.