image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga u aadaya inuu la kulmo Abiy Axmed

Sida ay ilo wareedyo inoo shegeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filaya inuu u dhoofo Dalka Turkiga,kaddib casumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi Tukiga Erdogan.

Safarkan Madaxweyne oo aan xogo badan laga helin, ayaa imaanaya iyada oo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu sii xumaanayo, isla markaana Dowladda Itoobiya ay Ciidamo badan soo dhoobtay xuduuda ay gobolka Gedo kala wadaagto Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh kulamada uu la qaadanayo Madaxweyne Erdogan uu diirada ku saari doono, wadahadalo laga filayo in Magaalada Ankara, ay ku yeshaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Waxaana kulanka ka gadaal ka riixaya Turkiga oo doonaya in xal waara laga gaaro khilaafka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo markii hore ka biloowday heshiiskii Badda ee bishii Janaayo Addis Ababa ku gareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed,

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u diiday inuu la kulmo Abiy Axmed ilaa iyo inta uu ka laabanayo heshiiskii Badda ee uu la galay Soomaaliland, balse kulanka Turkiga uu doonayo inuu isku keeno labada hoggaamiye ayaan la ogeyn inuu qabsoomi doono iyo in kale.

Sikastaba, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, iyada oo Dowladda Turkiga ay hadda ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya ay u soo saaran laheyd Shidaal.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.