image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaaday wasiir dowlaha arrimaha dibadda Imaaraatka

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan.

Wasiirka ayaa soo gaarsiiyey Madaxweynaha dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid oo xoojinaya xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, Booqashada wafdigan ayaa daba-socota wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray Labada Madaxweyne, wadahalkaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wadashaqeyneed ee Labada dowladooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraatka Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soodhaweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, waxa uuna tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka ay u leedahay horumarka iyo xasilloonida Gobolka.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.