image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kambaala iyo ujeedka safarkiisa

Wefdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ayaa goordhweyd ka degay Magaalada Kambaala ee caasimada dalka Yugandha,  halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweyeen mas’uuliyiin katirsan dowladda Yugaandha.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdigiisa ayaa Kambaala u tagay ka qeyb galka shir madaxadeedka Beeraleyda Afirka  ( The Comprehensive Africa Agriculture Development  Programme _ CAADP.

Shirkan oo ay ka qeyb gali doonaan madax ka socota gobolka, ayaa la filaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad ka jeedo si uu uga hadlo fursadaha ka jira Soomaaliya.

Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegaya in madaxweynaha safarkiisa Kambaala, kaddib uu uga sii gudbi doono magaalada Addis ababa ee caasimada Itoobiya, halkaasi uu wadahadal kula yeelan doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in ujeedka madaxweynaha Itoobiya u tagayo ay tahay wad-hadalada lagu sii amba qaadayo heshiiskii ay labada dowladood ay ku garaan magaalada Ankara ee caasimada Turkiga.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa kawada hadli  doona arrinta ciidamada Itoobiya, ee ka qeyb galka howlgalka cusub ee AUSSOM, gudaha Soomaaliya ka biloowday sannadkan.

Sikastaba, todobaad ka hor ayey aheyd markii wefdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo Taliyaha Hay’adda NISA, ay tageen magaalada Addis ababa, halkaasi oo ay kulan kula yesheen mas’uuliyiin katirsan Itoobiya, iyada oo ay xusid mudan tahay in wefdiga dowladda ee tagay Itoobiya, aysan ka warbixin waxyaabaha ay kala soo hadleen mas’uuliyiinta wadankaasi.

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.