image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo kawada hadlay xiriirka labada dal

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada.

Sidoo kale labada hoggaamiye ayaa waxa ay  hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Dowladda Qatar, ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda federaalka kana caawinaya mashaaricda horumarineed ee dalka

Geesta kale kulankan xalay uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa ku soo aadaya xili shalay xukuumadda Imaaraatka Carabta, ay shir  caalami ah ku casuuntay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, iyada oo siiyay maqaamka dal madax-banaan, taasi oo la sheegay in ay xad gudub ku tahay qaranimada iyo madaxbaanida Soomaaliya.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.