image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kawada hadlay dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.