image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxweynaha cusub ee Kenya waa xoolo-dhaqato fahmaya Soomaalida – Xildhibaan Aadan Keynaan

Wajeer (Onkod Radio)— Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Ceeldhaas ee Ismaamulka Wajeer ayaa sheegay in Soomaalida ay wax badan ka faa’iidi doonto dowladda cusub ee William Ruto.

Wuxuu sheegay in madaxwaynaha cusub uu yahay nin xoolo-dhaqato ah, isla markaana uu fahamsan yahay dhibaatada dadka xoolo-dhaqatada ah.

“Waxaan filayaa gobolkaas Soomaalida iyo xoolo-dhaqatada oo dhan in ay horumar gaari doonaan, sababtoo ah isaga naftiisa waa xoolo dhaqato oo meesha uu ka imaaday badi waa xoolo-dhaqato,” ayuu yiri Aadan Keynaan.

Wuxuu intaas ku daray xildhibaan Aadan Keynaan in uu madaxda Soomaalida ee gobolka Waqooyi-bari ay intooda badan taageersanaayeen Raila Odinga oo doorashada lagaga guuleystay.

“Boqolkiiba 60 Azimio ayaan dhiseynay, halka 40% ay dhinaca kale dhisayeen. Marka dalkan waa dal dimuqraaddi ah. Waxaan filayaa dalkan dastuur ayuu leeyahay nin kastana dastuurkaas ayuu hoos imaanayaa,” ayuu intaa ku daray.

Xildhibaan Keynaan ayaa sheegay in iminka ay isu diyaarinayaan sidii ay u noqon lahaayeen mucaarad dowladda toosiya.

“Waddankan waxaa jira kuwa xukuma iyo kuwa ilaaliya, marka annaga mucaaradka ayaan ahaanaynaa. Dowladda waxa wanaagsan oo dadka isu keenaya gacan ayaan ku siinaynaa. Wixii qalad aan u aragnana waxaan leennahay halkaas waa qalad,” ayuu yiri.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.