image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Madaxtooyada oo xog cusub ka bixisay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan

Muqdisho (Onkod Radio) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhowaan ku dhacay cudurka COVID-19.

Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay tahay mid wanaagsan, wuxuuna xusay inaysa jirin illaa hadda saameyn muuqata oo uu cudurkaan ku yeeshay caafimaadka madaxweynaha.

“Waxaan ugu bishaareyneynaa umadda Soomaaliyeed xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo ah mid aad u wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax saameyn ah oo ay ku yeelatay, isagoo hore u tallaalnaa” ” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa sidoo kae sheegay in madaxweynaha uu si caadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka COVID-19.

Wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga mahadcelinayo ducadii ay usoo duceeyeen markii ay maqleen in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka COVD19.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu horey u qaatay talaala COVD-19 ka hor inta uusan cudurka ku dhacay taasoo yareysay saameynta cudurka.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha berri laga qaadi doono baaritaan lagu ogaanayo xaaladdiisa iyo inuu weli jiro cudurka COVID-19 iyo in kale.

Ugu dambeyntii afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar wuxuu sheegay in maalinta berito ah Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka COVID-19.

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.