image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 https://openclipart.org/detail/118885/somalia-by-anonymous Anonymous africa country flag national sign somalia

image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 https://openclipart.org/detail/170030/uk-union-flag-by-mr_johnnyp mr_johnnyp UK Union flag jubilee queen royal union jack

Maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baardheere

Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii  khasaaraha dhaliyay ee saakay ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

War-saxaafadeed kasoo baxay  maamulka Jubbaland, ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay ka dhacay Baardheere ay soo qaadeen ciidamo ka amar qaata madaxweyne Xasan Sheekh, ayna beegsadeen xarunta maamulka degmada Baardheere.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay  uu muujinayo sida madaxweyne Xasan Sheekh uga go,an tahay  in danaha uu  lee yahay uu ka dhaqan galiyo  Baardheere

“Xarunta ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa Dagaalka kusoo qaadeen waa halka loogu adeego Bulshada Baardheere taas ayaa waxa ay Muujineysa sida Xasan Sheekh Maxamuud uusan dan uga laheen Bulshada kaliya ay u cadahay Dano shaqsi oo asaga u gaar ah”.  Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

Geesta kale Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu doonayo inuu burburiyo nidaamka dowliga ee Jubbaland ee ka jira degmada Baadheere ee gobolka Gedo.

“Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa ayaa go’aan-saday in ay bur-buriyaan Nidaamka Dowliga ah ee ka jira Degmada”.

Dagaalkii saakay ka dhacay degmada Baardheere, ayaa sababay gacan ku heynta degmada, oo ay isku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyn Wararkii ugu dambeeyey ee anu ka heleyno degmada Baardheere, ayaa sheegaya in xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana labada dhinaca ee saakay ku dagaalamay degmada, ay wali is hor-fadhiyaan, lagana cabsi qabo in markale uu dagaal ka dhex qarxo.

Wixii warkan kusoo kordho halkan kala soco.

 

 

Wararka La xiriira

Toos Udhagayso

Lasoco Facebook-geena

Fikradaha

Onkod Radio
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.